Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland Md. Axmed Maxamed Islaam ayaa booqasho howleed u jeedkeedu yahay ogaanshaha xogaha bani’aadannimo ee dalka ka jira ku tagay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo uu ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Hay’adda Md. Maxamuud Macallin Cabdulle.

Madaxweynaha ayaa lala wadaagay warbixin guud oo la xariirta howlaha iyo waajibaadka hay’adda, saameynta taban ee is-beddelka cimiladu ku leedahay dalkeenna, cabsida laga qabo duufaanta Laly oo sare u sii kacaysa iyo dadaallada gargaar ee SoDMA ka waddo dalka, gaar ahaan gobollada Jubbaland.

Advertisement
Kulankan xog-siinta iyo soo dhaweynta ah waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa, Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda, la-taliyayaal iyo marti-sharaf heerkeedu sarreeyo, wuxuuna Madaxweynahu si weyn u bogaadiyay howlaha hay’addu u heyso dadka Soomaaliyeed ee nugul, isagoo ka mahadceliyay arrimaha samafal ee ka socda degaannada Jubbaland.
May be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 7 people, suit, dais, newsroom and textMay be an image of 4 people, dais and hospitalMay be an image of 4 people and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 15 peopleMay be an image of 7 people, people studying, television, newsroom and textMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 5 people and beardMay be an image of 2 people and text that says "SODM S So Ο DMA A"May be an image of 7 people, people studying, lighting, table, newsroom and textMay be an image of 17 people and text that says "SODMA O S D m A SOMALI DISASTER MANAGEMENT AGENCY"
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here