QAAHIRA (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta Dalka Masar wuxuu kaga qeybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda Carabta.
Shirkaan oo ka dhacay  Magaalada New Qaahira ee dalka Masar ayaa la soo sheegayaa inuu socon doono laba maalmood waxaana si gaar ah looga hadlayaa arrimaha horumarinta Maaliyadda dalalka Carabta
iskaashiga dhaqaalaha iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.
Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Wasiir Biixi Imaan Cige  ayaa lagu wadaa inuu Qahira kula kulmo  Madaxda Dalalka iyo kuwa Hey’adaha Maaliyadda Carabta ee wadashaqeyntu kala dhaxayso Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyada ayaa lagu wadaa inuu dalka dib ugu soo laabto marka uu soo dhameysto safarka uu shaqada ugu maqan yahay dalka dibadiisa.

XAFIIASKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person and textMay be an image of 11 people, dais, the Oval Office and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here