Dalka India oo maalmihii ugu danbeeyay uu ka jirey kuleyl aad u daran ayaa la soo sheegayaa inay sii kordhayaan dadka u dhimanaya cimilada oo meel sare gaartay.

Wararka ugu danbeeya ayaa sheegaya in dhimashadu kor u sii dhaaftay 50 ruux xili dadkii ugu horeeyay ee kuleylka u dhinta ay ahaayeen ilaalada doorashooyinka dalkaasi ka socda.

Advertisement

Gobolka waqooyiga ee Uttar Pradesh waxaa laga soo sheegay inay ku dhinteen dad gaaraya 30 ruux , sidoo kale Gobolka Odisha waxaa kuleylka u geeriyooday 20 qof sida bbc-du sheegtay.

Sidoo kale meelaha kale ee dhimashada laga soo sheegay waxaa ka mida gobolada Bihar, Madhya Pradesh iyo Jharkhand.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here