MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Qaar ka mida Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ka soo muuqday baraha bulshada iyagoo dacwa ka ah Dowlada Faderaalka Somalia gaar ahaan hogaanka Ciidamada.
Ciidamadaan ayaa ka cabanaya in laga soo saaray furimihii dagaal ee Gobolada islamarkaana Xamar lagu soo shubay.
Qaar ka mida Ciidamada ayaa baraha bulshada la wadaageen in la keenay xero nac oo Muqdisho ku taal lagana qaaday hubkii.
Sidoo kale waxay ka cabanayaan in shaqada askarinimana laga saaray ,laguna amray inay magaalka kala galaan.
“Xaalada way naga capitan tahay banaanka hadaan aadnana Alshabaab baan halis u nahay Dowladiina hubkii inta naga qaaday ayay hadana na leeyihiin kala taga”ayuu yiri mid ka mida ciidamada oo saxaafada la hadlaayay.
Lama yaqaan in sideey sheegayaan ay waxu jiraan iyo inkale.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here