MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw si rasmi ah Magaalada Muqdisho uga furmay shirka Golaha wada-tashiga Qaran kaasoo uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Kulankaan waxaa shir gudoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh  Maxamuud waxaana labadiisa garab fadhiya Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi-barre iyo ku xigeenkiisa.

Advertisement

Sidoo kale waxaa shirka xaadir ku ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Jubalnd Axmed Madoobe,Hirshabelle Cali-Guud-laawe,Koonfur-galbeed C/casiis lafta-gareen iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.

Hogaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo oo isna saaka yimid Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu ku biiro shirka.

Shirkaan oo lagu wado in looga hadlo arimaha dastuurka iyo dagaalada Alshabaab ka dhanka ah ayaa lagu wadaa in qodobo ka soo baxaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here