Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Koonfur-Galbeed Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Wasiiro Dowlada Somalia ka tirsan iyo masuuliyiin kale yaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Adan Abudlle ee Magaalada Muqdisho.

Advertisement

Labada Madaxweyne ayaa midba gaarkiisa u yimid iyagoona si isku mid ah saxaafada ula wadeegen inay u yimaadeen ka qeybgalka shirka wada-tashiga Qaran ee Madaxweyne Xasan iclaamiyay.

 

” waxaan u imaanay howlihii muhiimka u ahaa Qaranka oo aan rejeynayo iney guul noogu soo dhamaadaan ,iyadoo loo fiiriyo xaaladaha dalkeenu ku suganyahay”ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor

Sidoo kale Madaxweyne C/casiis Lafta gareen ayaa sheegay in dhulkii ay ka yimaadeen uu barwaaqeysnaa xamarna ay u yimaadeen ka qeybgalka shir danaha qaranka looga hadlayo.

Shirkaan ayaa sidii hore loo iclaamiyay waxaa lagu wadaa inuu beri oo Talaado ah ka furmo Magaalada Muqdisho hadii aaneey isbadal kale imaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 4 people and aircraft

May be an image of 3 people, aircraft and textMay be an image of 4 people, aircraft and text

May be an image of 6 peopleMay be an image of 9 people and suit

May be an image of 3 people and text that says "DOMESTIC"

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here