Garoowe : 13, May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Joachim Waern.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, ayaa looga hadlay Dowlad dhiska Soomaaliya gaar ahaan arrimaha Siyaasadda iyo arrimaha gudaha Puntland sida dhameystirka Dimuqraadiyadda.

Advertisement

Madaxweyne Dani ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden taageeridii Doorashooyinkii hal qof iyo hal cod ee Puntland.

Sidoo kale waxaa Kulanka looga hadlay mashaariicda horumarin ee ay iska kaashadaan Puntland iyo Sweden.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here