Axmed madoobe oo laga cabsi qabo in maamulka jubalaand laga fara muuqinyo

Wararka naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya inuu faraha ka baxay ammaanka magaalada,islamarkaana ay suurta gal tahay iney ka dhacaan falal khal khal gelin kara amniga iyo xasiloonida.

Wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya iney hoos u dhacday awooda maamulka Axmed Madoobe iyo rajada ay shacabka ku qabeen,iyadoo la dareemayo xasilooni daro siyaasadeed iyo amni oo ka jirta deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku maqan dalka Kenya halkaasi oo uu kulamo kula leeyihiin qeybaha kala duwan Bulshada Jubbaland ee ku nool dalkaas iyo madaxda dalka Kenya.

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa la soo sheegaya in deegaano 50-km u jira magaalada Kismaayo ay soo galeen,kuwaas oo cabsi geliyay dadka deegaanka.

Shacabka Jubbaland ayaa beylah u noqday khilaaf siyaasadeed oo ragaadiyay maamulka Jubbaland iyo wadaagida awooda maamulka oo aan ku saleysneyn sidii la rabay oo ahayd hab qeybsiga beelaha ee 4.5.

Sikastaba ha ahaate Dowladda Federaalka ayaa dadaal ku bixineysa iney xilka ka tuurto Axmed Madoobe oo mudo 7-sano ah xilka madaxweynaha Jubbaland haya waana sababta ilaa iyo hada maamul lawada aqbal sanyahay loo sameeyn la’yahay sida aan ka warqabno Kismaayo ayaa ah meel si ku Meel gaar ah maamulka jubalaand xarun looga dhigay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064