Axmed Rashiid oo ah Sarkaal katirsan Booliiska Kenya gaar ahaan qaybta laga cabsado ee “Pangani Six” ee Dadka toogata ayaa lagu soo eedeeyay in uu dilal toos ah geystay iyada oo weliba muuqaal laga duubayo.

Rashiid waa hoggaamiyaha Ciidamada Booliiska qaybta dadka disha waxaana loo heystaa eedeyn ah in uu si bareer ah u dilay labo ruux oo looga shakisan yahay in ay ahaayeen Burcad balse uu ku dhex toogtay Suuqa Islii 31kii December 2022.

Hay’adda Madaxa-bannaan ee Dabagalka Dambiyada ka dhaca Booliiska Kenya (IPOA) ayaa soo gabagabeysay baaris ay ku sameysay Axmed Rashiid iyada oo Maxkamadda Sare ee Milimani ka jaratay warqad lagu soo xirayo sarkaalkaan.

Sida ku caddeyn Dukumiintiyada Maxkamadda laga helay, Booliiska Kenya waxa uu racfaan ka qaadanayaa arrintaan 8da December 2022 si loo difaaco Axmed Rashiid oo shaqo u hayay balse ku eedeysan in uu dilal sharciga ka baxsan geystay.

“Hay’adda Madaxa-bannaan ee Kormeerka Booliisku waxa ay soo gabagabeysay baaritaankii dhimashada ee Jamaal Maxamed & Maxamed Daahire Kheere kaddib toogasho ula kac ah oo loogu geystay Xaafadda Islii, Nairobi 31kii Maarso 2017kii, caddeynta dhimashada waxa ay muujineysaa in ay tahay tallaabo ka dhalatay Booliiska” Anne Makori, Guddoomiyaha IPOA.

Labo alifle Axmed Rashiid ayaa wareysi siiyay BBC qaybta Afrika ka hadasha, waxa uu si kooban uu u sheegay in uusan jirin calool dabac uu u muujinayo Dadka ku eedeysan Burcadnimada isaga oo intaas ku daray in Nolol lagu qabanayo haddii aysan taa dhinic la dilayo.

“Waa in aynu kusoo qabano Geeri ama Nolol mid uun, taasi malahan tanaasul” Sidaasi waxaa yiri Axmed Rashiid mar uu wareysi kooban bixiyay 10kii September 2018kii oo ah sanad & lex bil kaddib markii laga duubay muuqaalka isaga tooganaya labo rag ah.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in uu is baddel ku sameynayo saraakiisha iyo hay’adaha kala duwan ee laga diiwaangeliyay falal ka dhan ah Bulshada si Shacabku ay u dareemaan is baddelka dalkaas ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here