Baarlamaanka waddanka Induniisiya ayaa ansixiyay isbedello ballaaran oo muran badan dhaliyay, kaas oo lagu sameeyay xeerka dambiyada ee dalkaas oo mamnuucaya galmada guurka ka hor, xaddidayana xorriyadda hadalka.

Lammaanayaasha aan is-qabin ee isku taga ayaa wajihi doona xarig muddo sanad ah.

Waxaa kale oo sharci darro noqon doonta in la dhaleeceeyo madaxweynaha iyo afkaarta dowladda Indonesia.

Kooxo dhowr ah oo u badan dhalinyaro ayaa ku mudaaharaaday bannaanka baarlamaanka ee magaalada Jakarta.

Sida sharciga qabo lammaanaha aan guursan ee lagu qabto galmo waxay muteysan karaan xabsi ilaa hal sano ah. Waxaa sidoo kale laga mamnuucay inay wada noolaadaan – falkaas oo sababi karo xabsi ilaa lix bilood ah.

 

 

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here