Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku sugan xarunta Villa Hargeysa iyagoo sugaya khudbadda la filayo in madaxweyne Farmaajo, ujeediyo labada Aqal.

Farmaajo, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib markii uu fashilmay shirkii Dhuuso-marreeb.

Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa qaadacay kulanka Baarlamaanka balse xildhibaano golihiisa ka tirsan ayaa fadhiya hadda xarunta Baarlamaanka.

Warbaahinta madaxa-bannaan ayaa weli jooga bannaanka xarunta Baarlamaanka lamana oga sababta loogu diidan yahay in ay gudaha galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here