Baarlamaanka Soomaaliya: Wax ka ogow xildhibaanno 20 ka sano ka mid ahaa

0

Muddo labaatan sanno ah ayaa laga joogaa heshiiskii lagu dhisay hay’addaha dawaladda Soomaaliya ka dib burburkii dawladdii hore ee Maxamad Siyaad Barre uu hogaaminayay ee dhacday 1991 kii.

Heshiis ka dhacay maagalada Carte ee dalka Jabuuti ayaa lagu dhisay barlamaankii ugu horeeyay kaasoo afartii sannaba mar la badalo.

Inkastoo dhawr jeer ay is badbadashay tirada kuraasta barlamaanka haddana waxa jira xildhibaano tan iyo Carte aan marnaba ka bixin barlamaanka oo lagu dhiso nidaamka 4.5 ee loo qaybiyay beelaha Soomaalida.

Ma sahlana inaad ugu yaraan afar xilli aad ku soo laabato kursigaaga barlamaanka Soomaaliya oo lagu soo xulo ama lagu doorto nidaamka beelaha ee 4.5 Labaatankii sanno ee la soo dhaafay.

Ku dhaawaad lixdan xildhibaan haddaanay ka badnayn ayaa xilli kasta barlamaanka ku soo laabta iyagoo dib loo soo xulay ama loo soo doortay.

Barlamaannadii hore waxa xuli jiray suldaanka ama ugaaska reerka laakiin kan hadda jira waxa doortay ergo 51 ah oo ka socota beesha kursiga leh.

Xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim

Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim waxa uu labaatan sanno ka hor ka mid ahaa eragadii ka qaybgashay shirkii dib u heshiisiinta ee Carte balse nasiibku wuxuu siiyay inuu xildhibaan ka noqdo barlamaankii kumeel gaarka ahaa ee waqtigaasi Carte lagu dhisay, tan iyo watigaasna kama bixin golaha.

Xildhibaan Cismaan wuxuu ku micneeyay joogitaankiisa baarlamaanka in dadkiisu ku qanacsanaayeen mataaladdiisa.

“Markaan dib u noqdo aniga ma ahayn dadka bannaanka aaday markii burburku dhacay dadkaan ku dhex jiray waxaanna aaday deegaankaygii rasmiga ahaa ee Luuq iyo Doolow. Markaas dagaalladii sokeeye dhibaatadii ay abuureen odey baan ahaa, dadkii iyo nabadayntii Gedo iyo dib u heshiisiintii dadkii isu keenay ayaan ku jiray meelba ugama dhex bixin, marka dadkayga ayaan ku dhex jiray iyaga ayaa markasta ii garanayay inaan anigu barlamaanka u matalo”, ayuu yiri xildhibaan Libaax

Shariif Xasan iyo siyaasadda Soomaaliya
Siyaasadda Galmudug hal dhinac ma isugu biyo shuban kartaa?
Deegaannada Soomaalida kee baa ugu liita matalaadda siyaasadda ee dumarka?
Dumarka ama gabdhaha oo markasta oo la dhisayo barlamaan la yiraahdo ha loo xiro qoondo u gaar ah iyaga maadaama la ogyahay in odayaasha beeluhu doonaayaan inay rag xulaan ayaa haddana waxa jira gabdho xildhibaanno ah oo tan iyo Carte aan kuraastooda waayin oo la soo xulayay.

Waxana ka mid ah Khadiijo Maxamad Diiriye oo xildhibaanimada ka sakoow ayba yartahay inay ka maqnaato xukuumaddihii is badbadalayay ee labaatanka sanno ee la soo dhaafay jiray.

Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ahna Xildhibaan ka tirsan
Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka

Xildhibaan Khadiijo Diiriye Waxay u aragta in sababta ay u soo laalaabato ay tahay in beesheedu ku qanceen isla markaana ay jirto doonista rabbi.

“Horta waxaan leeyahay haddaan Soomaali nahay umad muslim ah ayaan nahay, bixinta ALLE ayaa iska leh, ciddii uu doono ayuu mansab siiyaa ciddii uu doonana ma siiyo aas kow”, ayey tiri.

Waxay intaa ku dartay: “Labo, bahasha iyadaa i barganaysay oo hidde iiga timid, haween ahaan keliya ma ahayne reer ahaan. Reerkayga waa isoo hormariyay mudaddii burburku jiray oo kursigayga saxan dahaba ayaa la soo saaray. 30 kiisanno ee ka horeysayna kacaankii, eedaday Faadumo Cumar Xaashi, ayaa ku jirtay marka bahal i bar-garanaysana waa timid een nasiibku waa i saaciday bixinta Allana waa meesheeda.”

Ma ogtahay in gobolka Baay uu heysto kuraasta ugu badan ee baarlamaanka Soomaaliya?
Maamul goboleedyada Soomaaliya miyay ka hareen siyaasadda arrimaha dibadda?
Dadka siyaasadda soomaaliya falanqeeya una soo joogay sida ay isu badbadalayeen barlaamanadda Soomaaliya, labaatankii sanno ee la soo dhaafay, ayaa rumeysan in xildhibaanaddan soo noqnoqda ay fahamkooda habka wax loo xulo iyo galaangalkooda hadba madaxda joogta ka heleen fursadaha ay ku soo laablaabtaan.

Cabdillahi Maxamad Shirawac oo muddo dheer ka tirsanaa ururrada bulshada rayidka tan iyo Cartena goobjoog u ahaa dawlad dhisidda Soomaaliya, ayaa sheegaya in xildhibaannadan sababta ay ku yeeshan mudnaanta dib u xulista ama dib u doorashada ay tahay hadba fahamkooda sida lagu soo xulo xildhibaannada.

“Aniga waxay ila tahay, sababta ay ugu suurtagashay waxa waaye, dheesha barlamaanka lagu noqdo ayay si fiican u fahmeen waa mid, arinta kale ee Meesha ku jirtana waxa waaye in dadkii ay gacanta uga baahnaayeen ayay gacan ka heleen oo si fiican u shukaansadeen ama ha noqdaan madaxweynayaasha raba in ay soo noqdaan mar walba ama ha noqdaano dadkii ay matalayeen ama ha noqdaano dawlad ay muwaadin u yihiin.

“Marka waxa weeyaan dheesha barlamaanka dadkaasi ayaa si fiican u fahmay baan is leeyahay, taasaana u suurtagalisay in ay Meesha joogaan muddo dheer,” ayuu yiri Shirwac

Dhammaadka sannadkan ayuu ku egyahay barlamaanka hadda jira, waxaana la filayaa in barlamaan cusub in la soo dhiso.

Haddaba maxay tahay fursadaha ay haystaan oo ay ku soo laaban karaan xildhibaannada tan iyo Carte aan dhicin? Cabdillahi Maxamad Shirwac ayaa rumaysan in muddooyiinkan dambe ay beelaha doorbidaan hadba qofka codka dheer ee galaagalka leh.

“Beelnimada waa arrin meesha ku jirta oo beesha waxay marwalbaba u hiilidaa ninka qaylada dheer, lama xisaabtanto qofkii ay xilka u dhiibatay”.

“Dadaalka uu qofku galo iyo galaangalka uu u leeyahay nidaamka dawliga ah ee markaas jirana way tahay (Sabab caawisa), gacan shisheeyana mararka qaarkood qayb bay ka noqotaa,” ayuu yiri Cabdillahi Maxamad Shirwac

Xigasho Bbcda Soomaaliga

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here