Bal qiyaas jawiga waalidka uu saaka ku jiri karo.

Waxay toostay 4.00 AM; si ay camal adduun iyo mid aakhiraba u hormarsato, salaaddii subax buu odayga reerku u kiciyay, qur’aan bey soo akhristeen, hooyadii jikada ayey ku kallahday si ay gabadheeda ama wiilkeeda ugu boobsiiso quraac diirran, kadib waxay tiri orod ha daahine dugsiga ka gaar, baskii waa taagan yahay ama u lugeey. Waxay soo macsalaameysay ilmaheeda iyada oo dhoolla cadeyneysa.

Saacad kadib, markii ay rabtay inay isu diyaariso howlaha iyada u yaalla saaka ayey maqashay jug culus. Waxyar kadib waxay ogaatay in ilmaheedii ku dhaawacmeen qarax, iyaga oo taagan daabuurka iskuulka.

Ninna wuxuu u toosay inuu ubad ku barbaariyo sidii ay adduun iyo aakhiraba wax u qabsan lahaayeen, ninna inuu laayo. Lakala badi oradse maaha, camal iyo xisaab aakhiro iyo Alle agtiisa ayey nooga horreeyaan. Anaguna markhaati baan ka nahay waxa dhacaya.

Waxaan la qeybsanayaa dareenka murugada maamulka iyo waalidka Dugsiyada Mocaasir ee uu saaka saameyn weyn ku yeeshay qarax agtooda ka dhacay. Si gaar ah Maamulaha Iskuulka Ustaad Mahad Farah Shaiye.

Ardayda iskuulka dhigata waxaa kamid ah walaalkey iga yar Zubeir Bashir Osman. Alle mahaddii wuu badqaba, balse qaar kamid ah asxaabtiisa ay isla dhiganayeen iskuulka ayaa ku dhaawacmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here