Magaalada Balaldweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan ahna deegaan doorashada labaad ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu qabtay doorashada labo kursi oo ka mid ah kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

Guddiga ayaa 1 April 2022 shaaciyay qabashada labadaan kursi, ayada oo isku soo sharaxeyn 7 Musharrax.

Doorashada Kursiga koowaad kaas uu tirsigiisu yahay HOP#059 ayaa waxaa ku soo baxay Maxamed Cabdullaahi Buraale (Raaxeeye) oo ahaa Guddoomiyaha Dhalinyarada Hirshabelle ka dib markii uu  helay 66 cod, halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Cabdullaahi Cali Cilmi uu helay 35 cod. Sida uu ku dhawaaqay SEIT Hirshabeelle.

Kursigaan waxaa ku fadhisay Baarlamaankii 10aad Samiira Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here