Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan uu la yeeshay xildhibaanada Murusade ugu ballanqaaday in uu usoo celinayo xilalkii ay hayeen uu horey uga qaaday markii madaxweynaha ahaa kasii degayay sanandkii 2016-kii, kuwaa oo ay kamid ahaayee agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde.

Xilalka uu Xasan Sheekh uu ballanqaaday beesha Murusade in uu siinayo markii uu la kulmay kahor inta aan xukuumadda lasoo dhisin ayaa waxaa kamid ahaa, Wasiir buuxa, Wasiiro dowle iyo sidoo kale agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Maareeyaha garoonka Aadan Cadde iyo Maareeye kuxigeenka Dekadda Muqdisho, saddexdan xil ayaa horey waxaa u heestay beesha Murusade kahor inta uusan Xasan Sheekh ka qaadin .

Madaxweynaha ayaana siiyay kaliya beesha Murusade hal Wasiir oo katirsan xukuumadda, waxa uuna ka laabtay ballanqaadkii ahaa Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha, waxaa sidoo kale haddana meesha ka baxday maareeyaha garoonka Aadan Cadde oo hadda loo magacaabay masuul kasoo jeeda Puntland, waxa ayna hadda sugayaan Murusade kaliya maareeye kuxigeenka Dekadda oo iyana laga yaabo in lagu boodo ama qolyo kale la siiyo.

Ishiis laga arkaa Ushiisa lagu tumaa !!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here