Waxaa goordhaw Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho banaan bax cabasho ah ka dhigay Waalidiin sheegay in caruurtooda iyaga oon raali ka aheyn dowlada si qarsoodi ah ugu qaaday dalka Eritrea.

Waalidiinta banaan baxa dhigayay ayaa sheegay in caruurtooda si qarsoodi ah loogu qaaday dalka Eritrea si loo askareeyo, waxa ayna xuseen in mudo ah in aysan war iyo wacaal aysan ka aheyn caruurtooda la geeyay dalka Eritrea.

Waxa ay sheegeen Waalidiintan banaan baxa dhigayay in taliyaha Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin caruurtooda geeyay dalka Eritra, waxa ayna codsadeen in ay helaan caruurtooda nolol iyo geeri.

Waalidiintan isku soo baxay oo wajiyadooda laga dheehanayay dareen murugo xumbaarsan ayaa ka codsaday Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Xil gaarsiinta in caruurtooda loo soo celiyo .

Dowlada Soomaaliya ayaa ayaa la sheegay in dalka Eritrea geesay dhalinyaro badan si askar looga dhigo, waxaana horey u soo baxayay warar sheegayay in dhalinyaradaasi qaarkood lagu laayay dalka Itoobiya halka kuwa kalana lagu dilay gudaha Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here