Sida uu shaaciyey Bangiga dhexe ee Soomaaliya Central Bank of Somalia, Labada Bangi ee kala ah Banque Misr بنك مصر, oo ah bangi ganacsi oo la aasaasay sanadkii 1920-kii lagana leeyahay dalka Masar iyo Bangiga Ziraat Katılım; oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa guddiga sare ee Bangigu waxa uu u ogolaaday Shatiga howlgalka Bangiyada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Kulanka guddiga sare ee CBS Somalia oo qabsoomay 2-July-2022; kaas oo looga dooday dhowr arrimood ayuu sheegay CBS in labadaas bangi uu guddigu ugu ansixyey kulankaas Shatiga howlgalka Bangiyada Caalamiga ah ee Soomaaliya.
War qoraal ah oo CBS soo saaray ayaa lagu sheegay in Bangiyada Banque Misr بنك مصر, iyo Ziraat Katılım;  ay buuxiyeen dhammaan Shuruudihii Shatiga Bangiyada ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya islamarxkaasna CBSomalia ogolaaday codsiyadooda, sidaas awgeedna ay laama ku yeelan karaan kana howlgeli karaan Soomaaliya.

Sida CBSomalia ku sheegay Qoraalkiisa Bangiyada Banque Misr بنك مصر, iyo Ziraat Katılım; waxa ay noqonayaan Bangiyadii ugu horreeyey ee Caalami ah ee kahowlgala Soomaaliya  tallaabadaasna waxa uu Bangigu ku sheegay in ay tahay Guul uu gaaray hannaanka dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here