Warar cusub ayaa sheegaya in kooxda Barcelona ay isha ku hayso inay qaab bilaash ah kula soo saxeexato da’yarka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe walow ay ku jirto deyn aad u weyn haatan.

Bishii August ayay ahayd markii madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta uu shaaca ka qaaday in kooxdiisu ay ku jirto deyn ka badan 1 Bilyan oo pound balse haddana wargeyska AS ayaa maanta oo Jimce ah sheegaya in maamulka kooxdu ay calaamadsadeen saxeexa Kylian.

22 sano jirkaas ayaa haatan ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa PSG isaga oo aan wali wax heshiis cusub ah la meel dhigin kooxdiisa taas oo ka dhigan in xor lagu heli karo xagaaga 2022.

Kooxda ay Barcelona sida ba’an u xifaaltamaan ee Real Madrid ayaa haatan u muuqata mida ugu cad-cad saxeexa Mbappe balse kooxda Catalan-ka ah ayaa doonaysa inay la tartanto.

AS ayaa sheegaya in qoddobka ay Barcelona doonayso inay kusoo jiidato Mbappe uu yahay inay doonayaan inay qandaraas dhaqaale ahaan ka badan midka Real Madrid u bandhigaan.

Barca ayaa aaminsan in marka xisaabaadka akoonadooda dib loo daabaco bisha July ee sanadka dambe ay dhaqaale ahaan sidan ka fiicnaan doonaan oo awoodi doonaan inay hal saxeex oo weyn sameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here