Waxaa hoos loo dhigay Calanka Dalka Finland iyo kan gobolka taas oo lagu muujinayay dareen la qaadashada geerida qoyskii Soomalida ahaa ee dhawaan gurigu ku gubtay.
Burhaan Macalin Xasan Rooble Waa aabaha qoyskii gurigu ku gubtay dalka Finland habeenkii Axada 8dii Oktober 2023.
Qoyska geeriyooday ayaa ka koobnaa Hooyo iyo Afar caruur ah Allaha u naxariisto.
Duqa magaalada Caasimada Helsinki iyo qaarkamida maamulka Gobolka ayaa usoo boroordiiqay Aabe Burhaan iyo qoyska tacsidu u taal, waxana uu gudoomiyihu sheegay in la dedajin doono waxwalba oo ku aadan aaska iyo duugta inkastoo lamari doono nidaamka baaritaanka Caafimaadka iyo Booliska.
Sidoo kale macalimiintii Iskuulka iyo waalidiintii Xaafada ayaa iyana usoo baroordiiqay Aabe Burhaan iyo ehelkiisa.
Weli lama oga sababta saxda ah ee dhalisay dabka iyo dhimashada 4-ta caruur iyo hooyadood sidoo kale waxaa la sugayaa waqtiga saxda ah ee duugta.
Burhaan waxay ilma adeer laxmi ah yihiin Raisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
XIGASHO WARIYE C/RISAAQ SOCOTO
May be an image of 7 peopleMay be an image of 2 people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here