QODOBADA MUSHARIXIINTA AY UGUDBIYEEN WAKIILADA BEESHA CALAMKA WAXAA KA MID AH:

1: in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday hotelkii ay deganaayeen madaxweynayaashi hore & falkii lagu rasaaseeyay bannaan-baxayaashii ay hoggaaminayeen musharaxiinta mucaaradka ee Jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

-In madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku wareejiyo talada dalka Gole Qaran oo KMG ah.

-In heshiis kama-dambeys ah laga gaaro 3 qodob ee muranku ka taagnaa ee hore u jiray sida arrinta Somaliland iyo tan Gobolka Gedo iyo guddiga doorashooyinka.

-In la abuuro jawi siyaasadeed oo ay ku jirto xorriyadda banaanbaxa, qabashada shirarka, ololaha, dhaq dhaqaaqa xorriyadda hadalka iyo u adeegsiga warbaahinta qaranka si siman.

-In ay is-casilaan taliyeyaasha ciidamada, gaar ahaan Xoogga dalka, Sirdoonka iyo Booliska oo ay ku eedeeyeen inay ka qeyb qaateen weeraro ka dhan ah musharraxiinta

-In shirarka soo socda lagu qabto goob amni ah, islamarkaana uu jiro dammaanad qaad caalami ah oo korjoogteyanaya fulinta heshiisyada la gaaro.

-In golaha musharaxiinta madaxweynaha ay si toos ah uga qeyb-qaataan wadahadalada doorashooyinka iyo wadatashiga .

-In la dadajiyo doorashada, islamaraakana jadwalka lasoo saari doono uusan ka dheeraan muddo 60 cisho ah

-In doorashada madaxweynaha lagu qabto isla goobtii ay ka dhacday Febraayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here