Warar soo baxaya ayaa sheegaya in beesha caalamku qorsheyneyso in Maamul-gobaleedyada laga wareejiyo gacanta Farmaajo oo si toosa loo siiyo dhaqaalihii Beesha caalamku bixin jirtay soona mari jiray Dowladda Federaalka Soomaaliya. Arrintaan ayaa ah cunaqabateyn dadban oo lasaarayo Madaxda Dowladda Federaalka korna loogu soo qaadayo Maamul-gobaleedyada si ay uga madax-bannaanaadaan Farmaajo una qaataan go’aanno Masiiri ah. Dhan haddii laga fiiriyo waa guul oo Meesha waxaa kabaxaya laaluushkii Farmaajo siin jiray qaar kamid ah Madax gobaleedyada, dhanka kalana waa dib u dhac oo Maamul-gobaleedyadii ayaa adduunka lamacaamilaya iyagoo ka Madax-bannaan Dowladda dhexe.

Ugu dambeyn haddii arrintani dhab noqoto waxaa gacanta Farmaajo kabixi doona saddexdii Maamul-gobaleed ee uu gacanta kuhayay iyagoo u dhega nuglaan doona beesha Caalamka, ayna suurta-gal noqon karto in dalka ay kadhacdo doorasho aan Farmaajo door kulahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here