Beesha caalamka ayaa ku baaqday madaxda Soomaaliya in si deg deg ah ay u soo gabagabeeyaan doorashada iyadoo la raacayo tallaabooyinka wax ku oolka ah ee laga maarmaanka u ah geedi socodka arrimaha doorashada.

“Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Dowlad Goboleedka Jubaland oo kaliya ayaan weli soo dhameystirin geedi-socodka doorashada Golaha Shacabka. Waxaan ku boorinaynaa inay sidaas sameeyaan iyadoo aan jirin dib-u-dhac, isla markaana mudnaanta siiyaan wadahadalka iyo wadatashiga lagama maarmaanka u ah soo gabagabeeynta qabanqaabada doorashada – ee gaar ahaan u socdo Jubaland – si loo hubiyo in beelaha ay khusayso ay matalaad ku yeeshaan Baarlamaanka soo socda“ ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay beesha caalamka.

Beesha caalamka waxay sheegtay in khaladaad ay hareeyeen doorashada isla markaana lagu fashilmay xaqiijinta qoondada haweenka.

“Waxaan aad uga xunnahay qaladaadkii doorashada ee faraha badnaa ee lagu arkay guud ahaan dalka iyo fashilka niyad-jabka leh ee ku yimid xaqiijinta qoondada 30% ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka sida uu qabo heshiiskii 17kii Sebtember 2020. Waxaan rajeynaynaa in aan aragno haween badan oo la soo doorto maadaama kuraasta harsan ee Hirshabelle iyo Jubaland la soo gabagabeynayo. Doorashada kadib, dadka Soomaaliyeed waa inay laba-laabaan dadaallada lagu xaqiijinayo in haweenku ay si buuxda uga qaybgalaan oo ay door hoggaamineed uga qaataan go’aan-gaarista qaran ee dhammaan qaybaha bulshada”

Waxa isa soo taraya khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya ee soo jiitamaysay tan iyo sannadkii hore, iyadoo Ra’isul Wasaare Rooble uu shaqada Guddiga Doorashooyinka ka eryay labo xubnood, diginin kama dambeys ahna u diray shan xubnood oo kale oo Guddiga kamid ah kadib markii uu khilaaf baahsan uu hareeyay xubnaha Guddiga, kaas oo ka dhashay sida loo maraaynayo afar xildhibaan oo lagu doortay maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo doodi ay ka timid hannaanka doorashooda loo maray.

Maamulka Koonfur Galbeed isna waxa uu sheegay inuu gabi ahaanba joojiyay wadashaqayntii arimaha doorashooyinka ee uu la lahaa Ra’isul Wasaare Rooble.

Sidoo kale Waxaana goor sii horeysay gaaray magaalada Baydhabo xildhibaano ka tirsan kuwa dhawaantan lagu doortay Baydhabo iyo Baraawe oo Muqdisho ka tagay si ay garab istaag ugu muujiyaan maamulka Koonfur Galbeed.

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here