Beesha Murusade oo in dhaw Saddax bil waday abaabul dagaal iyo hub aruursi ayaa markaan dareemesa xagal-daacin iyo balan La’aan ka imaaneysaa dhanka DFS gaar ahaan Madaxwynaha iyo Prime Minister-ka.

Doorkii dowladda ayaa wali Maqan Waxaana Khamiistii ku eg’keed balantii PM Hamze Qabsaday maalintii uu joogay aadan-yabaal oo Ahayd 10-Maalin , balse wali ma jirto wax amar ciidan & gurmad ah oo ka imaaday dhanka Dowladda ,Warar Qaar ayaana sheegaya in Ciidamada dowladda loo Qeybiyay beelaha Waceyle iyo Saleeban si ay deegaanadooda u Xorreestaan.

Waxaa Kale Jirta balan kale oo uu Madaxwayne Hassan Sheikh Maxamuud u balan Qaaday beesha 3&9 oo ahayd in si deg deg ah loo xalin doono Cabashada iyo gurmad La’aanta beesha Murusade sheegatay balse warkaas Waxaa iska Naqday Xalay oo meeshii Madaxwaynaha ku balan qaaday ayaa Looga dhaqaaqay.

Waxaa intaas sii dheer Ciidama Murusade ee jooga Furinta dagaalka iyo hada ma ahaysan helin Wax Mushaaarad ciidan iyo gurmad dhaqaalo, beesha ayaana ayada iska bixineysay Mudada ay ku sugan yihiin Degmada Maxaas.

Maalmaha Soo Socdo hadaa Maqashaan Ciidamadii Murusade ayaa dib usoo laabtay hala yaabina.

9

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here