MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Afhayeenka Booliiska Soomaaliya C/fataax Aadan Xasan ayaa caawa ka hadlay maalmaha ciida sida ay amaniga qeyb uga noqonayaan Booliisku.

Afhayeenka oo si gaar ah ula hadlayay gaadiidka ayaa amar cusub dul dhigay kaasoo ku saabsan qaabka ay caruurta iyo dadkalaba ula macaamilayaan.

Advertisement

Afhayeenka wuxuu uga digay gaadiidleyda inay qaadaan dad ka badan inta gaariga ama moota bajaajtu qaadi karto.

“talaabo ayaan ka qaadi doonaa gaarigii ama bajaajtii lagu arko iyadoo sida tira ka badan inta qaadkoodu yahay”ayuu yiri Sarkaalka u hadlay Ciidamada Booliiska .

Mar uiu ka hadlaayay sababta ay talaabadaasi u qaadayaan ayuu sheegay inay si ay uga hortagaan shilalka ka dhalan kara marka rakaabka tankliisa laga badiyo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMasuul ka tirsanaa Maamulka degmada Awdheegle oo Caawa lagu dilay Muqdisho
Next articleHalyey Isboorti Cismaan Maye Abuukar (Iskoot) oo Nairobi ku geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here