Booliska Jarmalka oo  sheegay inay qabteen ilaa 250 qori iyo dhowr kun oo rasaas ah

0

.

Booliska Jarmalka ayaa sheegay inay qabteen ilaa 250 qori iyo dhowr kun oo rasaas ah, kuwaasoo uu watay nin la rumeysan yahay inuu yahay mid u janjeera dhanka midigta-fog ama cadaanka xagjirka ah.

Taliska Booliska gobolka Waqooyi-galbeed ee Lower Saxony ayaa sheegay in hubkan laga helay aagga Seevetal, oo koonfurta ka xigta magaalada Hamburg

Bayaan ay soo saareen booliska ayaa lagu sheegay in baarayaasha ay u maleynayaan in ninkan uu ka tirsan yahay Kooxaha garabka midig.

Xaaladaha jira awgood bayaanka laguma faahfaahin magaca ninkaas iyo sababta uu u watay hubka, iyadoo loo aaneynayo baaritaanka socda ee ku saabsan tuhun laga qabo inuu ku xadgudbay sharciyada hubka ee dalkaas ku yaalla.

Rabshadaha ay ku kacaan dadka u janjeera siyaasadaha midig-fog waxay sababeen walaac sii kordhaya Jarmalka sanadihii la soo dhaafay

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here