Boris Johnson oo uga digay Madaxweyne Trump Fargalinta Doorashada Dalka Biritin

oris Johnson Ra’iisalwasaaraha Britain  ayaa madaxweyne Trump uga digay in uu ku taageero ololaha doorashada guud ee UK ka dhici doonto 12-ka bishan Deseembar.

Donald Trump ayaa taageero u muujiyay ra’iisalwasaare Boris Johnson, waxa uuna ku tilmaamay in uu yahay “qofka haatan ugu macquulsan”.

Balse wareysi siiyay LBC, ayaa ra’iisalwasaare Johnson waxa uu sheegay in ay “habboon tahay in labada dhinacba (UK iyo Mareykanka) midba uusan faragelin ololaha doorashooyinka dhinaca kale”.

Trump ayaa lagu wadaa in usbuuca soo socda uu Britain uga qeybgalo kulanka hoggaamiyeyaasha Nato.

Dibadbaxyo xooggan oo ka dhan ah Trump ayaa la qorsheynayaa in lagu beego xilli casho-sharaf loogu sameyn doono qasriga boqortooyada Buckingham Palace, halkaasi oo boqoradda dalkaasi ay ku soo dhaweyn doonto.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064