Buurta Madow” ee dagaalka ka dhex qarxisay labo dal ee Armenia iyo Azerbaijan

0

Armenia waxay ku dhawaaqday tallaabo militari oo ka dhan ah xukuumadda Azerbaijan kaddib muranka ka dhashay gobolka Nagorno Karabakh kaas oo horseeday dhimasho dad rayid ah, waxay labada dhinac midkoodba midka kale ku eedeynayaa in dagaalka ay bilowday, haatan, maxaan ka ognahay gobolka ay ku muransan yihiin labadan dal ee uu dagaalka ka qarxay?

Nagorno-Karabakh waa gobol dhaca dalka Azerbaijan, waxaana inta badan ku nool shacab kasoo jeedo Armenia oo taageera ka hela dhinaca Armenia.

Ereyga ‘Nagorno’ waa luqadda Ruushka oo micnaheedu yahay ‘Buur’ halka ereyga ‘Karabakh’ oo luqadda Azeri ah uu micnaheedu yahay ‘Beerta madow’

Halka shacabka Armenia ay deegaankan ugu yeeraan “Artsakh”.

Sanadkii 1988-dii, xilli nidaamkii Soviet-ka uu qarka u saarnaa burbur, ciidammada Azerbaijan iyo ciidamadii gooni u goosadka Armenia waxaa dhexmaray dagaal xooggan, waxaana dagaalkaas lasoo afjaray kaddib heshiis u dhexeeyay labada dhinac sanadkii 1994-tii balse dhaqangelinta heshiiskaas ayaa lagu guuldareystay , ilaa iyo maanta weli xal lagama gaarin colaaddaas.

Dagaalka ka dhex taagan labadan dal waa mid soo jiray muddo qarni ah, wuxuu ka dhashay loolanka ay ugu jiraan gacanta ku heynta gobolkaas ee u dhexeeya bulshada kiristaanka ee Armenia, Turkida muslimka ah iyo Persian-ka.

Waxaana gobolkan degi jiray muddo qarniyaal ah shacabka kiristaanka ee Armenia iyo Azeri, wuxuu qarnigii 19-aad kamid ahaa maamulkii Ruushka.

Gobolka ayaa ah mid xasiloon, inkasta oo mararka qaar ay dagaallo ka dhicin jireen halkaas, waxaana ka dambeeyay kooxo kasoo jeedo labada dhinac qarnigii 20-aad.

Kaddib dagaalkii koobaad ee adduunka, kacaankii Bolshevik ee Ruushka ee nidaamkii Soviet-ka waxay ku dhawaaqeen siyaasad ay ku maamulayaan gobolka Nagorno Karabakh oo ay ku nool yihiin inta badan shacabka Armenia, gobolkaas oo wuxuu xudduud la ahaa dowladdii Azerbaijan ee hoos tagi jirtay nidaamkii Soviet-ka sanadkii 1920s.

Markii ay dhacday dowladdii Soviet-ka dabayaaqadii siddeetamaadkii, waxaa gobolkan ka dhacay dagaal u dhexeeyay Armenia iyo Azerbaijan kaddib markii baarlamaanka gobolka ay u codeeyeen inay ku biirayaan Armenia.

Waxaana lagu qiyaasay dadkii ku dhintay dagaalka 20,000 ilaa 30,000 oo qof, waxaana inta badan gobolka la wareegtay Armenia, markii dambena waxay qabsadeen deegaan ku yaalla Azerbijan oo la yiraahdo Karabakh.

Markii uu dhacay nidaamkii Soviet-ka, Gobolka Karabakh wuxuu ku dhawaaqay madaxbanaani inkasta uusan wax aqoonsi ah ka helin dalalka dibadda iyo Armenia.

Inkasta oo aysan Armenia aqoonsan gobolka, waxay siin jireen taageero militari iyo mid dhaqaale.

Xabad joojin

Waxaan la kala saxeexday heshiis xabad joojin ah sanadkii 1994-tii, kaas oo suurogeliyay in gobolka Karabakh iyo qeybo kamid ah gobolka Azeri lagu daro Armenia.

Dagaalka waxaa ka barakacay in ka badan hal malyan oo qof, shacabka ka tirsan qowmiyadda Azeris waxay ka qaxeen gobolka Nagorno-Karabakh iyo Armenia halka shacabka Armenia ay ka qaxeen Azerbaijan. labadan qowmiyadood kuma aysan laaban guryahooda tan iyo dagaalka kaddib.

Waxaana dagaalka ku dhintay ciidamada labada dhinac, waxaana la xiray xadka Turkiga iyo Azerbijan, tallaabadaas oo dhibaato dhaqaale u horseeday Armenia oo ah dal aan bad laheyn.

Ruushka, Faransiiska iyo Mareykanka waxay hirgeliyeen ha’yad loo xilsaaray in lasoo afjaro dagaalka.

Jebinta heshiiska

Afti laga qaaday gobolka Nagorno-Karabakh bishii Disembar sanadkii 2006-dii, Azerbaijan waxay aftidaas ku tilmaantay mid sharci darro ah.

Waxaa rajo laga qabay in heshiis la gaaro kaddib markii dhowr jeer ay kulamo wada qaateen madaxweyneyaasha Azerbaijan iyo Armenia.

Waxaa horumar laga gaaray heshiskii dhexmaray labada dal sanadkii 2009-kii, wuxuu intaas ka dambeeyayna waxaa muuqatay tallaabooyin lagu jebinayo heshiska, sanadkii 2016-kii waxaa labada dhinac kaga dhintay ciidamo tiro ah dagaal ka dhacay gobolka.

Axaddii, gobolka waxaa ka qarxay dagaal u dhexeeya ciidamada Azerbaijan iyo Armenia, waxaana lasoo riday diyaarad ay leedahay Azerbaijani, waxaana jiraa warar sheegayo in khaasare uu ka dhashay dagaalka.

BBC

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here