C/qaadir Cali Nuune oo Guddoomiye ku-xigeen ka ah dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 45 ururo Soomaaliyeed oo ka dhisan dalka Netherlands, ayaa wareysi uu siiyay taleefishinka Somali Nederland TV wuxuu ku sheegay in guddigooda ka shaqeynayaan sidii ay boorka uga jafi lahaayeen hagaajinta & middeynta xiriirka Soomaalida, isaga oo xusay in Soomaalida Holland yihiin bulsho isku xiran.

“FSAN waa dalladda keliya ee sharciga ah, oo ay ku middeysan yihiin Soomaalida Netherland. FSAN waxay wada-shaqeyn dhow la leedahay Dowladda dalkan, waxyaabaha aan diirada saareyno waxaa ka mid ah in dadka xirfadlayaasha ah ee dalkan wax ku bartay inaan u raadino dariiqo ay aqoontooda ku gaarsiin karaan dalkeena” Ayuu yiri C/qaadir Nuune, wuxuuna intaasi ku daray in ay jiraan waxyaabo badan oo dalkeenu baahiyo u qabo, lagana heli karo dalalkan Galbeedka.

“Dalkeenu, waa Qaran burburay wuxuu ku jiraa marxalad soo kabasho ah, qof kasta oo  muwaadin ah way ku waajibeysaa inuu is garab taago Dowladda Soomaaliya kana qeybqaato sidii dalku u soo ceshan lahaa karaamadiisa” Ayuu yiri C/qaadir Cali Nuune, isaga oo dhiirageliyay bahda waxbarashada oo uu ku tilmaamay in ay yihiin warshada soo saareysa dadkii dalkan berri badbaadin lahaa.

Guddoomiye ku-xigeenka FSAN wuxuu u mahadceliyay maamulka Jaamacadda Accord ee fadhigoodu yahay Muqdisho, isaga oo ku ammaanay tayada waxbarashadooda oo ah mid la jaan-qaadi karta waxbarashada casriga ah ee dunidda.

“Waddan kasta  horumarka uu samaynayo ama samayn doono waxa laga qiyaasa tirada iyo tayada  dugsiyada iyo jaamacadaha ka jira dalkaasi, waxaan dhiiragelinayaa in la hubiyontayada waxbarashada dalkeena” Ayuu yiri C/qaadir Cali [Nuune], wuxuuna intaasi ku daray inuu xiriir la sameeyey hormuudka Jaamacadda Accord xafiiskeeda Muqdisho Prof. Abdulkadir Basheer oo ay ka wadahadleen arrimo la xiriria waxbarashada E-Learning ee ay bixiso Jaamacadda Accord.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here