Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG ahayd Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa eedeynn ba’an u jeediyay dagaalamayaasha Aslahabaab.
C/qaasim wuxuu ku eedeeyay Alshabaab inay yihiin qodax ku taagan Soomaaliya ayna caqabad ku yihiin nabada Soomaaliya.
Advertisement
Wuxuu sidoo kale ku dhaliilay Alshabaab inay laayaan dadka Soomaliyeed ee Islaamka ah xili buu yiri qofkii sharci dara hal qof u dila uu la mid yahay isagoo laayay ummmada oo dhan.
Dhanka kale wuxuu ugu baaqay Soomaalida inay Dowladnimada ilaashadaan islamarkaana ay taageeraan Dowlada Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM