C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlay sababta aanay uga mid noqonin Madasha Xisbiyada Qaran

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa markii u horeysay ka hadlay sababta aanay uga mid noqon Madasha Xisbiyada Qaran ee todobaadyo ka hor looga dhawaaqay Muqdisho, kuwaasoo hoggaan u doortay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

C/raxmaan C/shakuur oo wareysi siiyay telefishinka Universal, kaddib markii uu ka qeyb galay dood uu soo qaban qaabiyay Machadka Chatham House ayaa sheegay in markii hore ay soo jeediyeen in Madasha aysan yeelan Hoggaan, balse hoggaan ay yeelato.

“Aragtida xisbiga ayaa go’aansaday in aan hadda laga mid noqon, doodaha madalada la xiriira dadka isku aragti kama ahan, hal hadaf ayaa wada leenahay in doorasho xilligeeda la qabto in laga wada shaqeeyo, maadaama madasha aheyd madal dadka aysan hal xisbi la noqoneyn, qof walba madaxtinimadiisa, damaciisa iyo howlihiisa uu leeyahay in laga wada shaqeeyo doorashada sidii ku dhici laheyd, oo garoonka ciyaarta loo wada geli lahaa ayaa hada anaga noogu muhiimsan maba aaminsaneyn in hoggaan la sameeyo, in xiriiriye la sameeyo ayaa ujeedkeena ahaa”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Waxaa uu sheegay in horay madaladii hore ay aragtidaas ugu soo jeediyeen, kuwa hada ay u jeediyeen, kuwa dambe ay sidaas oo kale ugu soo jeedin doonaan, isagoo xusay inay diyaar u yihiin in Madasha la shaqeeyaan illaa doorasho laga qabanayo.

C/raxmaan C/shakuur oo wax laga weydiiyay xayiraadii todobaadkii hore la saaray Madaxweynayaashii hore ayuu sheegay inay ficilkaas cambaareynayana, ayna ka soo horjeedaan waxa lagula dhaqmay Madaxdaas hore oo ka mid ahaa wixii iyaga lagu hayay, waxaana wax lala yaabo ku tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo oo shalay markii uu tartamayay ay Madaxdaas ogolaayeen inuu xor yahay inuu maanta isagana madaxdaas hore uu xanibo.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064