Siyaasiga C/raxmaan C/shukuur ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook wuxuu kaga hadlay kulanka Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Kenya iyo warqad uu sheegay in Madaxweynaha Somalia u dhiibay Ruuto si uu uga gaarsiiyo Madaxweynaha Mareykanka.

Qoraalka C/raxmaan C/shukuur ayaa sidan u qornaa:-

Advertisement

Kenya weli xor ma noqon, gacanta gumaystaha ayeyna ku jirtay markii uu Madaxweynihii Maraykanka ee xilligaa John F. Kennedy aqalka cad ee ku casuumay AUN RW C/rashiid Cali Sharmarke. Si la mid ah sida uu maanta Joe Biden ugu qaabilay Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Waxaa laga joogaa 64 sano, laakiin haddii aad daalacato diiwanka hadalladii ay is dhaafsadeen Kennedy iyo Sharmarke, waxba ma dooriyaan kuwa ay maanta is dhaafsadeen Biden iyo Ruto.

Soomaali waxay ku maahmaahdaa “lax waliba shillinkii ay is dhigto ayaa lagu gawracaa”.

Su’aasha ugu wayn ee inna dul hoganaysaahi waa maxaa sababay in Kenya halkaa gaarto oo ay weliba wakiil naga noqoto, iyo in uu Madaxweynaheena dad ku dhow u sheego in kulankii isaga iyo Ruto dhexmaray uu ugu muraaday in uu faylal Soomaaliya quseeya aqalka cad ugu sii dhiibo?

Waxaa ina dhigay in garashadeennu ka gudbi la’dahay xayndaabka beesha, deegaanka iyo kooxda, in aan diracnimada qofeed mid qaran ka dhigi waynay, haybtii qabiil ka gudbi la’nahay, weli dhex ma quurayno ficiltankii yo baratankii beelaha, in aan ka dayuusownay masayrkii iyo sariigtii qaran, in aan damacii shakhsiga iyo dantii gaabnayd dhaafi waysanahay, iyo in aan tuugsi iyo tuuganimo meheradeena noqotay.

In aan xaalka aan maanta ku suganahay ka gudunbo oo aan asaaggeen la tartannaahi waxaa bilow u ah in fikirka aan dawladnimo ka qabno iyo fahamka aan nolosha ka haysano isbeddelaan.

Garaad qaangaar ah ayaa qaran dhisi.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here