Cabdikariin Xuseen.waxa Guulled oo Ahlusuna baaq udiray

 

hogaamiyihii hore ee mamul goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo war qoraal ah kasoo saray arinta murugsan ee Galmudug.

 

Guuleed oo qoraal soo dhigay facebook ayaa ugu baaqay Culumadiinta Ahlusunna in ay ka mid noqdaan maamulka laga dhisaayo Dhuusamareeb, islamarkaana markale aysan u horseedin Khilaaf iyo is barbar yaac lawa maamul ah.

Warka uu saaray Guuleed ayaa qornaa siddaan:

Waxaan soo dhaweynayaa bogaadinayaana muddo kordhinta ay gudoonka Baarlamaanka ee Galmudug xiligii doorashada ku sameeyeen, si dadaalada wadahal iyo wax isku soo jiid fursad loo siiyo.

Waxaana ku boorinayaa gudoonka Baarlamaanka inay dadaal weyn ku bixiyaan qancinta dhinacyada kala duwan, gaar ahaan culumada Ahlu Sunna.

Dhanka kale waxaan culumada Ahlu Sunna ku boorin lahaa inay u turaan una tanaasulaan bulshada reer Galmudug oo aan muddo intaan ka badan maamul la,aan sii ahaan karin.

Waxaan kaloo culumada Ahlu Sunna ku boorin lahaa inay ogaadaan in la gaaray xiligii ay gali lahaayeen kuna milmi lahaayeen nidaamka dowladnimo ee Galmudug, ayagoo garwaaqsanaya inaysan dhici karin sii jirista nidaam siyaasadeed, maamul iyo ciidan oo ka baxsan, hareerna socda midaamka dowladeed.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064