Musharaxa xisbiga Mucaarad ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dalab guddiga doorashooyinka Soomaaliland ay u gudbiyeen Maxkamadda Sare, isaga oo maxkamadda uga digay in ay abuurto khilaaf cusub kaas oo dib u dhigi kara doorashada madaxtinimada.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ee uu ku leeyahay Facebook ayuu ku sheegay,”Maanta xaaladda dalku ku jiro waxaa keliya ee lagaga bixi karaa waa doorashooyin wadar-oggol ah oo ay isla oggol yihiin dhammaan daneeyayaashu.”
Sidoo kale Cabdiraxmaan Cirro ayaa qoraalkiisa ku sii daray, “awoodda cayimidda doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka Doorashooyinka Qaranka oo ah hay’adda u xil saaran muddeynta doorashooyinka sida xeerarka dalka iyo Dastuurku jideynayaan.”
Cirro musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Wadda ayaa uga digay Maxkamadda sare in ay abuurto khilaaf hor leh oo cusub, iyada oo lagu jiro sida uu ku sheegay qoraalkiisa xaalado kala duwan oo la xiriira dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Hadalka ka soo yeeray Musharaxa xisbiga Mucaarad ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro kaddib markii maalnimadii shalay guddiga doorashooyinka Somaliland uu Maxkamadda u diray dalab u aaddan kala caddeynta habka loo galayo doorashooyinka iyo tan lagu hormarayo.