Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta ka dhacday Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#54 oo ay ku tartameen 5 Musharax oo isu diiwaangelisay waxaa goobta ka maqnaa Hal musharax sida uu sheegay Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Galmudug.

Musharixiinta u tartantay kursiga HOP#054 ee hadal jeedinta qaatay ayaa kala ah:

Cabdishakuur Cali Mire.

Cabdullaahi Cali Cabdi.

Cabdirisaaq Cali Jaamac.

Cabdirisaaq Maxamed Cabdi.

Guddiga ayaa sheegay in habraaca lagu kala saarayo Musharixiinta uu yahay in qofkii hela 51 cod iyo ka badan uu si toos ah ugu guuleysanayo Kursiga, haddii dhammaan Musharixiintu ay helaan codad ka yar tiradaas wareegga labaad ay u gudbayaan labada musharax ee ugu codad badan.

Cabdishakuur Cali Mire oo Golaha Shacabka ku fadhiyay HOP#054 Baarlamaankii 10aad ee Soomaaliya ayaa helay codad dhan (85), halka musharaxa labaad ee ku dhawaa codadka uu helay (5) waxaana halaabay (9) sida uu shaaciyay Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Galmudug oo ku dhawaaqay Natiijada.

Galmudug ayaa doorashada kursigaan ka dhigeysa in Xildhibaankii 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ah lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb oo xarunta Dowlad-Goboleedkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here