Note-kaan waxaan qoray MAY 16 oo ah maalin kadib doorashii dalka.

Hambalyo saaxiibkeey Mohamed Ahmed Dirie (Yabooh) oo ah nimaan hal dugsi quraan iyo Loox nolosha iskala soo billownay, waana ruuxii ugu haboonaa horayna uga soo shaqeeyay xafiiskaan, sidoo kale waxaan ugu hambalyeynayaa inuu helay Xildhibaanno iyo Wasiiro hiil iyo garab u noqday u muujiyay macnaha dhab ah ee metalaadda.

Madaxweynaha waxaan uga mahadnaqayaa kalsoonidii aanay dad badan fileyn ee uu isiiyay muddadiii 6 bilood aheyd, waanan ku difaacayaa Madaxweynaha go’aanka uu qaatay ceebna ma ahan waana dabiici iyo dabeecad siyaasaddu leedahay in madaxda dowladladuhu ay reeraha qaar u dabacsanaadaan qaarna ay duudka is-xijiyaan.

Waxaan umahadcelinayaa Guddoomiyaha Gobolka, Duqa Muqdisho MD. Yusuf Jimcale oo muddadii gaabneeyd ee aan la shaqeynayay i siiyay kalsooni aanay jirin erayo aan ku qeexo agteeyda uu abaalweyn ugu erganyahay.

Xil la’aan darteed dalkayga ugama dhoofi doono, dowladaha dalkeenna isku hardinaya sida Kenya, Imaaraat, Qatar iyo Addis Ababa midna xan-wadaag lama noqon doono, Damuljadiid dalka lama boobi doonk, inta Turkiga u dhoofana Shaah iyo shuwaarmo iskuma goosan doono iyadoo dhiigga dadkeygu cadowgu qubayo, ee taas badalkeeda waxaan dalka gudihiisa kula dagaalami doonaa cadowga Khawaarijta ah ee Alshabaab, waxaan xoojin doonaa ciidamada xoreeynta deegaannada ee Macawisleey, sidoo kale waxaan waqti badan gelin doonaa nidaaminta awoodda Jamaahiirta, waxaanan sidii la igu bartay ka shaqeyn doonaa danta dalka iyo dadka iyo ka mirodhallinta fikirkii aan soo dhiraadhirinayay muddadii 13 Sannadood aheyd ee la soo dhaafay.

Dhanka kale, maadaama aanan ahay nin dowlad kunool ah ee aanan aheyn nin jago ku nool ah, baddelka la igu sameeyay wax saameeyn ah kuma keeni doonno sidii aan ugarabtaagnaa dowladdeyda iyo madaxdeyda, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Shiikh Maxamuud isla sidii ayaanan garab ugu noqon doonaa iyo inuu nasiib u yeeshay inuu Guddoomiye Madaale la shaqeeyo.

Hadda, Dagaalka lagula jiro Khawaarijta ayaa aniga ii ah ajandaheyga koowaad, labaad, saddexaad, afaraad iyo shanaad.

Ugu dambeyn: Saaxiibkeey Yabooh aniga oo ku kalsoon, hadana waxaan kula dardaarmayaa inuu kursiga Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir meesha maanta la soo gaarsiiyay oo ah kursi Soomaalida oo dhan ka dhex muuqda, oo saameeyn siyaasadeed iyo bulshadeed ku dhex leh dalka aanu hoos uga dhicin heerkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here