Ilaah baa Mahadleh hakiyay dhiiggii dadkeenna ee sida macna la’aanta ah loo daadinayay.
Waxaa Mahadcelin mudan intii ka shaqeysay in Ahlusunnah dib loogu celiyo taliskoodii guud ee Bohol.

Waxaan maqlayaa in Dhallinyarada magaalada ee Ahlusunnah la shaqeysay qaarkood guryahooda la tagay si looga aargoosto, shaqsiyaadka sidaas sameynaya ee saraakiisha Ciidanka milatariga ka tirsan arrinkaas haka waantoobaan waa arrin halis ah.

Caadi ahaan qof ama koox caqiido aaminsan lagama adkaado, waxaa tusaale kuugu filan in 300 oo Wiil oo muddo labo asbuuc ah isku aruursaday Siyaaro ay ku kulmeen laga maray dhibka iyo rafaadka la arkay, sidaas darteed maamulka Galmudug waxaa la gudboon inuu si xeelad sare leh u wajaho Arrinka Bohol iyo Ahlusunah.

Talo ahaan waxaan kula talin lahaa Dowlada Galmudug in ay Ahlusunnah soo dhaweysato si ay uga fogaato qataraha mustaqbalka aan dheereeyn ka imaan kara, fursadaha taagan ka qeybgaliso, dagaalka Shabaab u kaalmeeysto, aanay maamulada kale ee dariska ah uga faa’iideysan damacooda, Hal Il ku seexdo isha kalana iskaga ilaaliso.

Maanta Qoomamo mooyee waxaan qosol u sugnaan ninkii dhiig-sokeeye buugta taariikhda loogu qoray.

GURI-CEEL DAGAAL MAYA NABAD HAA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here