Dhallinyaro Soomaali ah oo la sheegay in dowladda Canada ay qorsheyneyso inay dalkeeda ka musaafuriso.

Lama oga tirada rasmiga ah ee dowladda Canada ay qorsheyneyso inay musaafuriso.

Wakaaladda xudduudaha Canada waxey sheegtay in dhallinyaradan ay gaarayaan 157 qof, balse dadka u doodaya dhallinyaradan ayaa rumeysan inay gaarayaan boqollaal qof.

Saraakiisha dowladda waxey ku doodayaan in hadda un ay baaritaan kusoo ogaadeen in dhallinyaradan aysan Soomaali aheyn oo ay ka been sheegeen kiisaskii ay isku dhiibeen markii ay magangelyo waydiisanayeen Canada.

Waxaa socda, dadaallo ay wadaan jaaliyadda Soomaalida qaarkood, kuwaasoo wali aanan kasoo bixin wax natiijo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here