Caruur yar yar oo ku dhimatay daadad ka dhashay Roob ka da’ay Garissa iyo Wajeer

Qasaare nafeed ayaa laga soo tabinayaa in ay ka dhasheen daadad xoogan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay gobolka waqooyiga Bari Kenya oo Soomaalida Degto.

Afar caruur ah oo aad u yar yar ayaa daad kula tagay degmada Ceeldhaas ee dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Wajeer kadib markii ay isku dayeen in ay ku dabaashaan daadad ka Dhashay Roobka.

Ilmaha ayaa ahaa arday yar yar oo dhiganeysay fasalada dugsiyada hoose sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee magaalada Wajeer.

Dhanka kale xildhibaanka degmada Ijara ee koonfurta Garissa Marwo Safiya Cabdinuur oo qadka taleefanka ugu warantay Universal ayaa sheegtay in cunug 14 jir ahaa ay biyaha ku qaadeen magaalada Masalani oo ka tirsan degmada Ijara.

Marwo Safiya ayaa ku boorisay shacabka ku nool ismaamulka Garissa Wajeer iyo Mandera in feejignaan dheeri ah ay muujiyaan iyadoo raxmada rabbi la filayo in ay ka sii socdaan gobolada Kenya.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064