Ciidamada Ahlussunna ee fadhigoodu yahay deegaanka Bohol ayaa saaka loo qeybiyay lacag mushaaraad ah tan iyo markii ay kusoo laabteen deegaanka.

Mushaarka Ciidamada oo gaaraya ilaa 2 labo boqol oo dollar ayaa waxaa qeybiyay saraakiisha ugu sar-sareysa ciidanka Ahlussuna oo uu ugu horeeyo General Abdulqadir Xaaji Diiriye (Hambacor) iyo saraakiil kale.

Tan iyo tagitaankii Bohol ee Ahlussunna waxaa ciidamada ku biirayey kuwo cusub oo ka kala yimid deegaano fog-fog oo ka tirsan deegaanada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here