Ciidamada ammaanka magaalada Cadaado oo gacanta ku dhigay caruur laga soo qafaashay Puntland.

0

Wararka ka imaanaya magaalada  cadaado ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka magaaladaasi  ay ku guuleysteen  iney soo qabtaan caruur laga soo qafaashay mid ka mid ah magaalooyinka deegaanada Puntland.

Caruurtaan oo tiradooda lagu sheegay 8 ayaa lagu hayay gudaha magaalada Cadaado iyadoo laga soo qafaalay magaalada Qardho, waxeyna ciidamada si awood ah u soo qabteen Caruurta oo laga soo badbaadiyay dadkii heystay.

Gudoomiyaha magaalada Cadaado ayaa sheegay iney goor hore heleen xogta ku saabsan caruurta, balse ay ku guuleysteen iney soo furtaan, waxeyna ku wareejiyeen aabaha dhalay caruurta oo ay muddo laba sanadood ah ka maqnaayeen.

sidoo kale Aabaha caruurta ayaa u mahad celiyay maamulka magaalada Cadaado iyo dadka shacabka ah kuwaas oo gacan ka geystay in loo soo helo caruurtiisa, wuxuuna ugu baaqay kooxda loogu yeero jaamacadda Takfiir iney joojiyaan caruurta ay dhuumashada dadka uga qaadanayaan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here