Ciidamada ammaanka ee dawladda Soomaaliya ayaa xalay  waqti danbe soo gabo-gabeeyay weerar ismiidaamin ah oo rag hubaysan oo la sheegay inay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab, ay ku qaadeen Hotel ka Afriik ee magaalada Muqdisho oo ku yaala Jidka taga gegida diyaaradaha Caalamiga ah ee Aaden Cadde.

Ugu yaraan sagaal qof oo uu ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal, iyo dad kale oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarka, in ka badan 10 qof oo kalena way ku dhaawacmeen.

Afar ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa raggii weerarka soo qaaday sida uu xalay warbaahinta u sheegay afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Sadiiq Doodishe.

Afhayeenka Booliska ayaa kooxdii weerarka soo qaaday ku sheegay 4 ruux oo kamid ah albaabka hotelka gaari ku qarxiyay, halka 3-da kale oo gudaha ka dagaalamay markii dambe la toogtay.

Gen. Maxamed Nuur Galaal oo mid ahaa saraakiishii sare ee Dowladdii Kacaanka iyo Cali Dhuux Maxamed oo ahaa sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa kamid ah dadka ku dhintay weerarka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here