Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee Dhawaan tababarka loogu soo xiray Xerada dhanka-roone ayaa maanta sameeyey gadood ciidan.

Ciidankaan oo ku hubeesan gawaarida dagaalka iyo hub culus ayaa Magaalada Galinsoor waxa ay dhigteen labo jidgooye oo ay diidadayaan in gaadiidka ay mararaan.

Gaadiid badan ayaa ku xayiran Galinsoor kuwaas oo ahaa kuwa safar ah.

Ciidankaan ayaa sheegay inta laga siinaayo mushaarkooda oo ka maqan muddo lix bilood ah aysan baneendoonin jidkooyooyinka ay dhigteen.

Xalaada Galinsoor ayaa maanta ah mid kacsan.

Dhowr mar ciidankaan ayaa halkaas ka sameeyey Gaadood ciidan in kastoo xal laga gaaray arinkaan Xiligaaas Gadoodka Ay sameeyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here