Korneel Saneey Cabdulle Gaab oo katirsan ciidamada xoogga dalka soomaaliya ayaa shaaciyey caawa inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka runrigood ee katirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Waxa uu sheegay in ciidamada aysan gudaha uwada gelin deegaankaasi oo ka mid aheyd meelaha ay argagaxisada al shabaab sanadaha badan ka talinayeen,balse ciidanka xoogga dalka ay isku geedaameen.

Korneel saneey ayaa sheegay in aysan jirin iskacaabin iyo dagaal kala kulmeen kooxda al shabaab waxaana uu xaqiijiyey in qabashada deegaankani uu ka dhigayo in Sh.dhexe laga xoreeyey shabaab.

Kacdoonka Gobollada Hiiraan & Sh/dhexe ayaa umuuqda mid miro dhalay iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu iclaamiyey dagaalkaan looga saarayo Soomaaliya kooxaha argagaxisada ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here