Mahadaay(dayniiile.com)-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa macawisleyda oo isku saf ah iyo Al-shabaab ayaa la soo sheegayaa inay saaka isku hor fadhiyaan aaga deegaanka Ciid-Ciidka oo hoos taga Magaalada Mahadaay ee Gobolkan Sh.dhexe.

Abaan duuliye ka tirsan Ciidamada Xoogga oo lagu magacaabo Bashiir Muktaar Axmed Gacal ayaa ku goodiyay inay sida ugu dhaw Alshabaabka go’doonsan ay uga adkaan doonan.

Advertisement

Sida uu cadeeyay Gudoomiyaha Maamulka Degmada Mahadaay isla aagaani waxaa shalay ka dhacay dagaalo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay inay dagaalkaasi kag guuleysteen dagaalamayaasha Al-shabaab islamarkaana ay aaga ka riixeen.

Deegaanka Ciid-Ciidka ayaa ah halka ay dagaalamayaasha Boqolaalka lagu sheegay ee Alshabaab ay ku go’doonsan yihiin iyadoo Gudoomiyuhu tilmaamay inay wali ku wadaan hoobiyayaal iyo weeraro toos ah si ay usoo afjaraan raggaasi meesha ku go’doonsan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here