Muqdisho, Maajo 13, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta lagu caano shubay deegaanka Dahara Ugaas ee hoos-taga Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Ugaaska in uu u fududeeyo masuuliyadda-dhaqan ee loo duubay, waxa uuna tilmaamay mudnaanta ay siinayso dowladdu arrimaha dhaqanka, dib u heshiisiinta iyo ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kula dardaarmayaa Ugaaska 21-aad ee Beesha Xawaadle Yuusuf Ugaas Xasan in uu sii ambaqaado kaalinta soo jireenka ah ee dhaqan ee loo duubay Ugaaska, oo door wanaagsan ku leh guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
May be an image of 7 peopleMay be an image of one or more people and crowd
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here