Dowlada Kenya ayaa daqiiqadihii ugu danbeeyay waxay joojisay xukun dil ah oo ay ku fulin rabtay nin Kenyaan ah oo  oo lagu magacaabo Stephen Munyakho kaasoo hore dil uga geystyay dalkaasi boqortooyada Sacuudiga.

Dib u dhigista xukuna dilka ayaa yimid kadib dadaal baraha bulshada laga sameeyay iyo codsi ka yimid Dowlada Kenya oo laga aqbalay.

Advertisement

Ninka dilka ka badbaaday ayaa la sheegay inuu dhalay axafiga ruug-caddaaga ah ee Dorothy Kweyu, waxaa la sheegay in sanadkii 2011-kii uu dilay nin ay isla shaqeynayeen markii uu gacan ka hadal dhex maray labadooda.

Dowlada Kenya ayaa ka faa’iideysatay madaama shareecada Islaamku dhigeyso in dilka la baajin karo hadii ehalada qofka la dilay ay aqbalaan inay diya qaataan.

Waxaa socota qorshe qoyska ninka Kenyaanka ah ay ku ururinayaan lacagta diyda ee laga rabo taasoo Dowladu Sacuudigu ku sheegtay   saddex milyan iyo bar riyaalka Sucuudig ah ($940,000) (£750,000).

Si kastaba Xoghayaha Joogtada Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegay in maanta oo isniin ah Dowlada Sacuudi Carabiya ay  oggolaatay codsigii dowladda Kenya  ee ahaa in dib loo dhigo dilka si fursad loo siiyo wada xaajood kale oo dhexmara dhammaan dhinacyada.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILEE.COM

Sacuudiga
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here