Waxaa jirta dalal Afrika ka tirsan oo ay soo wajahday internet xumo sida dalalka Kenya, Tanzania, Ugandha iyo wadamo kale.

Dadka ku dhaqan dalalkaasi ayaa ka cabanaya internet xumo xili shirkaddaha bixiya adeega internetka ay qireen inay  dhibaato jirto.

Advertisement

Sida ay cadeeyeen shirkadaha interneka bixiya waxaa jirta Cilad ku timid xargaha badda hoostooda mara kuwaasoo sababay internet xumada jirta waliba Dalka Tanzania oo ugu daran dalalkaani ayaa la soo sheegaya inay30% uu hoos uga dhacay heerkii la filayay.

Labada shirkadood ee kenya ka jira Airtel Kenya iyo Safaaricom ayaa qireen ciladaan soo wajahday internetka inkastoo hada internetka  uusan wada go’in.

Sida uu BBC-da u sheegay Ben Roberts oo ah khabiir internet-ka ah xargaha internetka ee bada hoos mara ayaa gobolka ku xiro dunida inteeda kale, isagoo sii maraya dalka Koonfur Afrika.

Masuuliyiinta shirkdaha ayaa xuseen inay ku jiraan sidii ay u xalin lahaayeen dhibaatadaas, ma aysan cadeyn in ciladu keeni karto inuu wada go’o.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

XUUTIYIINTA OO JARAY XARGAHA INTERNETKA EE BADDA GUNTEEDA MARA IYO  SAAMEYNTA SOOMAALIYA – Xaysimo

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here