Wararka laga helaayo Gobolka Mudug vayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ay saaka ka wadaan dhaq dhaqaaq ciidan deegaanka Camaara.

Ciidamada kala duwan waxaa la soo sheegayaa inay ku jiraan saaka diyaar garowgii ugu danbeeyay duulaan ay rabaan inay ku qaadaan Deegaanka Caad oo ay heystaan Alshabaab iyagoo raba inay halkaasi ka saaraan.

Advertisement

Sida ay sheegtay Idaacada kulmiye Alshabaab ayaa baneeyay dhufeysyadii ay kaga jireen deegaanka Caad roobabka dartood madaama biyihii ugu galeen godadkii ay ku jireen.

Gaadiid dagaal iyo Ciidamo badan ayaa lagu wadaa inay maantaba u dhaqaaqaan dhanka Deegaanka Caad ee koonfurta Gobolka Mudug.

Dhanka kale Kooxda Alshabaab waxay go’doon ku yihiin deegaanka Caad iyo deegaano ku dhaw dhaw roobabka dartood,iyadoo daadad ka dhahshay roobabka ay harqiyeen jiha kasta deegaanada Alshabaab  heystaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here