Ceeldheer (dayniiile.com)-Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ka howlgala xadka Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud ayaa maanta soo bamdhigay Sarkaal Alshabaab ka tirsan oo shalay ay ka soo qabteen Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud.
Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Caraaye Garoobshe ayaa sheegay inuu Alshabaab ugu qaabilsanaa inuu u dhexeeyo iyaga Beesha waa sida uu hadalkiisa u dhigay inkastoo Ciidamada Dowlada ay tilmaameen inuu Alshbaaab u qaabilsanaa soo ururinta lacagaha ay qaataan Alshabaab.
Cabaas wuxuu dhankiisa  sheegay in shalay laga soo qabtay Ceel-dheer islamarkaana uu hada ku jiro gacanta Ciidamada Dowlada isagoo mabad qaba.
“Asxaabteyda waxaan leeyahay halkaan imaada waad ku nabad galeysaan sida aniga aan  ugu nabad galay”ayuu yiri Cabaas oo mar wax laga weydiiyay wuxuu asxaabtiisa ugu baaqayo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleDEG DEG: Xukunka Qayb kamid ah Laamaha Maamul ee degmada Hodan oo Argagixisanimo loo haystay+SAWIRRO.
Next articleGudoomiye Aadan Madobe oo la kulmay Gudoomiyaha Maareynta Masiibooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here