Ciidanka Dowladda ayaa sheegay 19 ka tirsan Al-Shabaab in lagu dilay Tuulada Muryaale oo u dhaxaysa Basra iyo Balcad, ka dib marki Alshabaab ay xalay isku soo aruursadeen tuuladaas, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin.

Ciidamada oo helay xogta Al shabaab ayaa waday roondo xiliga uu dagaalku dhacay, waxaana ciidamadu ay wali ku raad joogaan firxadka Argagixisada.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa si joogta ah howlgalo uga sameeya inta u dhaxaysa degmooyinka Balcad ilaa iyo Afgooye, tan iyo markii ciidamadu Alshabaab ay ka saareen deegaanka Basra oo laga soo abaabuli jiray dhibaatooyinka argagixisada ay ka gaystaan magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here